Qodobbada Ka Soo baxay Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta.

Qodobbada Ka Soo baxay Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta.Hargeysa-03-08-2023-()-Fadhigii 115aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay qodobbo ay ka mid yihiin dhaqaalaha guud ee dalka.Sidoo kale, goluhu wuxuu lafo-guray doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo sidii Xisbiga Kulmiye ugu diyaar-garoobi lahaa u tartamidda ka mid noqoshada saddexda Xisbi Qaran ee tobanka Sanno ee soo socda iyo u diyaar garowga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u qorshaysan 20-Augst-2023 inuu ka qabsoomo Magaalada Burco.Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo-qoraalka Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay soo diyaariyeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxaana faah-faahin dheeraada golaha ka siiyey Garyaqaanka Guud.Ugu danbayn waxa goluhu Dood iyo falanqayn qaadatay laba fadhi ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT), iyadoo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah.ALLAA MAHAD LEHNaasir Yuusuf DaahirAgaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

War-murtiyeed- Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Hargeysa-18/01/2024-()-Fadhigii 123aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland

War-murtiyeed- Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Hargeysa-18/01/2024-()-Fadhigii 123aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo lagu lafo-guray arrimaha mandaqadda Geeska Afrika iyo ta Somaliland iyo Soomaaliya ayaa laga soo saaray war-murtiyeedkan oo u dhignaa sidan:-  Sida la-wada ogsoon yahay waxay Jamhuuriyadda Somaliland ahayd Maxmiyad Boqortooyadii Ingiriiska. 1884 illaa 1960 oo ah muddo 76 sanno ah, waxayna ahayd waddankii 17aad ee Qaaradda Afrika ee qaatay Xorriyadiisa 26 June, 1960-kii. Somaliland markii ay xornimada qaadatay waxa ay ahayd waddan leh xuduudo caalamiya, Dawlad, Dastuur iyo Baarlamaan oo loo aqoonsan yahay sidii waddamada kale ee xornimada qaatay. Doonistii shantii Soomaaliyeed ayuu ka dhashay midowgii aan sharciga ku fadhiyin ee Somaliland iyo Soomaaliya July 01, 1960. Somaliland isla markiiba waxay ka biyo-diidday hannaankii midawga oo baal maray xeerkii midowga (Act of Union) labada dhinac in la isu-keenno, iyadoo xeerkii Somaliland-na la tuuray, kii Soomaaliyana loo codeeyey. Sidaa-awgeed waxa aqlabiyadda reer Somaliland diideen aftidii loo qaaday dastuurka 1961. Mudadii ka dambaysay dadka reer Somaliland waxa loo gaystay tacaddi badan iyo xasuuq baahsan. 1988 waxa Somaliland lagu dilay 50,000 (konton kun ) oo rayid ah, waxaana la dumiyey wixii ay dhisteen miyi iyo magaaloba, waxaa qaxay hal miyan oo noqday Qaxoonti, kaas oo ay ka markhaati kacday War-bixintii Qaramada Midoobay ee sannadkii 2001-dii, Madaxda Soomaaliyana ay qireen. Burburkii ka bacdi Shacabka Reer Somaliland oo ay hoggaaminayaan Madaxda Dhaqanka, wax-garadka, siyaasiyiinta iyo culimadu waxa ay go’aansadeen inay la soo noqdaan xornimadoodii 18 May 1991, markaasi ayaa ugu dambaysay in Soomaaliya ay ka taliso Dhulka Somaliland.  Sida bulshada caalamku ka warqabto Somaliland qayb kamay ahayn dhammaan dawladihii ay dhisteen Soomaaliya 33 sanno ee u dambeeyey iyo dastuurka ay samaysteen oo ku koobnaa shantooda maamul goboleed iyo dawladooda. Gooni-isu-taaga Somaliland ee shirweynihii Burco 1991 waxay mar labaad shacabka Somaliland ku ayideen aftidii dadweyne ee loogu codeeyey dastuurka 97% 31 May 2001, La-soo-noqoshada madax-banaanida Somaliland waxa ay waafaqsan-tahay Axdiga Midowga Afrika 1963, kaasi oo Afrika isku raacday in aan xuduudihii gumaysigu ka tagay aan waxba laga badalin. Sidoo kale waxa arrintaas ka marag kacay Guddidii Xaqiiqo-raadinta ee Midawga Afrika u soo diray Somaliland 2005 ee uu hoggaaminayey Guddoomiye Ku-xigeenka AU. Guddida xaqiiqo raadisku waxa ay qireen in Somaliland waafaqsan tahay Axdigii ilaalinta xuduudihii gumaysiga ee Afrika, soona jeediyay in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland. Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa waddan madax-bannaan sida ku cad Axdiga caalamiga ah ee Montevideo Convention ee 1933, iyada oo Somaliland waafaqsan tahay Afarta qodob ee dhismaha dawladnimada ee ku xusan axdiga. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo saaray qodob badan:- 1. Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo ka duulaysa Madax-bannaanideeda Dhuleed, Badeed iyo Cireed waxa ay heshiisyo u gali kartaa si waafaqsan Dastuurka JSL Qodobka 12aad, farqadiisa 3aad iyo Shuruucda. Horana ay heshiisyo ula gashay hay’addo Caalamiga ah iyo waddamo ay ka mid tahay Soomaaliya. 2. Sida uu dhigayo Dastuurka JSL Qodobkiisa 10aad, farqadiisa 4aad, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay ee dalalka Geeska Afrika dhex ooli jirtay lagu baddalo is-afgarad iyo isku soo dhawaansho. 3. Oggolaanshaha iyo kiraynta Saldhigyada Ciidammada badda maaha mid ku cusub dalalka Geeska Afrika ee waxa leh waddamada Ereteria, Djibouti, Somaliland, Kenya iyo Soomaaliya. 4. Sida ku cad Heshiiskii Is-afgarad (MoU) ee 01/01/2024 ay kala saxeexdeen labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia, waxa ay Somaliland kiraynaysaa Saldhig Ciidan (Naval Base), iyada oo Ethiopia-na ay aqoonsanayso Jamhuuriyadda Somaliland, Saldhigaasi Ciidan maaha siin iyo iib midna ee waa kiro muddo cayiman ah oo waafaqsan habraaca heshiisyada saldhigga Ciidamada, Heshiiskaasi oo marka si rasmiya loo kala saxeexdo la marin doono golayaasha sharci dajinta. 5. Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay jirtay waxa ay xasilisay ammaanka gudaha dalkeeda (Bad, cir iyo Bariba), sidoo kale waxa ay ka qayb-qaadatay sugidda amaanka Gobolka oo dhan, gaar ahaan dalalka jaarka ah. 6. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay dalalka caalamka ugu baaqaysaa in ay Aqoonsadaan Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaasi oo guul istaraatajiyadeed iyo mid nabadgelyadaba u keenaysa guud ahaan caalamka, gaar ahaana Afrika iyo gobolka Geeska. 7. Jamhuuriyadda Somaliland waxay Beesha Caalamka ka codsanaysaa inay gacan ku siiyaan adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida Somaliland, taasi oo haddii ay wiiqanto saamayn ku yeelanaysa Mandaqadda, Dawladda Soomaaliyana ay ku cadaadiyaan inay joojiso colaada ay ka aloosayso Geeska Afrika. 8. Xukuumadda Somaliland waxay beesha Caalamka ku wargelinaysaa inay Dawladda Soomaaliya si badheedh ah uga baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in la iska kaashado wixii nabadgelyada wax yeelaya, lagana fogaado hadallada abuuri kara nac iyo kala fogaan isla markaana hawada (Air space) loo maamulo si siman, heshiisyadaa iyo heshiisyo kale oo Beesha Caalamku marag iyo Markhaati ka ahayd. 9. Sida ku cad hadaladii ay jeediyeen madaxda Soomaaliya waxay farriin guubaabo ah u dirayeen kooxaha argagixisada si ay falal amni darro uga fuliyaan Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo xoqaya arrimo diimeed, kuna kicinayey haddii saldhig Ethiopian ah la sameeyo dadka la gaalaysiinayo, iyada oo ay soomaaliya saldhigyo badan ku leeyihiin Ethiopia iyo dalal kaleba, cid la gaalaysiiyeyna aanay jirin, isla markaana Ethiopia ay ku nool yihiin muslimiin badan oo ay ku jiraan soomaalida Ethiopia. 10. Marka la dhagaysto doodaha iyo muranka Soomaaliya waxay ku doonayaan inay xaq u leeyihiin in ay iyagu galaan heshiiska badda, sidii ay kuwo horeba u galeen, mana diidana heshiiska, laakiin waxay diiday in Jamhuuriyadda Somaliland gasho heshiiska, taasina maaha mid ay Dawladda Somaliland iyo Dadkeeduba aqbalayaan. 11. Dawladda Soomaaliya waxaanu u sheegaynaa in ay joojiso marin-habaabinta shacabka Soomaalida iyo durbaanka colaadeed ee ay garaacayso, dhiirrigalinta iyo abaabulka Ururrada Xag-jirka ah. 12. In Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax gorqortan ah ka galayn Qarannimadeeda, sidoo kale ay naf iyo maalba u hurayso madax-banaanideeda, dhuleed, badeed iyo cireedba. 13. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay shacabka ku bogaadinaysaa sida ay heeganka ugu jiraan difaaca qarankooda, waxana ay faraysaa inay Af iyo Addinba difaacaan qarannimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, kana feejignaadaan hadallada kasoo yeedhay dawladda Soomaaliya iyo cid kasta oo cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland. Dhammaad

War-murtiyeed-29-02-2024 Fadhigii 125aad ee Golaha Wasiirrada JSL

War-murtiyeed-29-02-2024  Fadhigii 125aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka maanta oo ay taariikhdu tahay 29/02/2024 ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu lafo-guray qodobbo la xidhiidha Amniga Mandaqadda. Tan iyo markii ay labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federal-ka Ethiopia, ay kala saxeexdeen 01.01.2024-ka heshiiskii is-afgarad, waxa ay dawladda Muqdisho qaadday dagaal qaawan oo ka dhan ah shacbiga reer Somaliland, kaddib markii ay kasoo quusteen beesha caalamka waxa ay miciinsadeen inay iskaashi la sameeyaan kooxaha xag-jirka ah, sida Radio-ga ay maamusho dawladda Muqdisho uu ka sheegay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo madax kale oo katirsan Soomaaliya. Tallaabooyinka kale ee cadowtinimada ah ee ay qaadday dawladda Muqdisho waxa ka mida inay celiyeen diyaarad nooca gargaarka caafimaadka ah oo dalka ka qaadaysay muwaadin xaalad caafimaad loogu qaadayey dalka dibeddiisa, taasoo marka loo eego sharciga caalamiga ah noqonaysa danbi ka dhan ah Binu-aadantinimada. Waxa kale oo ka mid ah in la beegsanayo muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan deegaamada ay maamusho dawladda Muqdisho, dadkaas oo ay ka mid yihiin kuwo la dilay, kuwo la xidh-xidhay lana jidh dilay iyo kuwo la haddiday.  Golaha Wasiirradu isagoo ka yeeshay arrimahaasi dood iyo falanqayn dheer waxa uu go’aamiyey  1. Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay qarannimadeeda la soo noqotay waxay ku naaloonaysay nabadgelyo, iyadoo xidhiidh fiican la lahayad dawladaha deriska ah, waxaanay ka qayb-qaadatay in gobolka geeska Afrika uu nabadgelyo ku naaloodo, sidaa aawadeed dawladaha jaarka ah waxay u soo jeedinaysaa inay Somaliland kala qayb-qaataan nabadgelyada iyo xasillooni kuwada noolaashanaha Geeska. 2. Golaha wasiirradu waxa usoo jeedinayaa Dawladda Soomaaliya inay ka waantowdo colaadaha ay abaabulayso ee Somaliland ka dhanka ah ee k u wajahan muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool dhulka ay maamusho, kuwaas oo ay ku waxyeelnayso magac dawladeed, in dadka Somaliland lagu waxyeelleeyaana hore ayey usoo martay oo xasuuq iyo dhibaato loogu geystay, sidaa awgeed, waxa ay Jamhuuriaydda Somaliland uga digaysaa in dawladda Soomaaliya ka waantowdo dadkaas ay waxyeelaynayso ee qaar la dilay, qaar la xidhxidhay, taasoo keeni karta cawaaqib xumo raagta. 3. Maaddaama oo ay beesha caalamku ay quudiso ama masruufto Dawladda Muqdisho amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba, waxa aanu ugu baaqaynaa inay indho dheeraada u yeeshaan muwaadiniinta reer Somaliland ee lagu beegsanayo muqdisho, 4. Xukuumadda Somaliland waxay dacwad ka dhan ah dawladda muqdisho u gudbisay hay’adaha garsoorka iyo xuquuqda binu aadannimo ku shaqada leh, waxaanay ugu baaqaysaa hay’addahaasi inay dilalka iyo jidh dilka baadhis caalamiya ku sameeyeen. 5. Jamhuuriyadda Somaliland maddaama ay maamusho baddeeda, barrigeeda iyo cirkeeda, waxay beesha caalamka u caddaynaysaa in heshiis kasta oo ay gasho dawladda Soomaaliya aanay khusayn Jamhuuriyadda Somaliland. 6. Xukuumadda Somaliland waxay cambaaraynaysaa amarrada ay Dawladda Muqdisho ku khal-khal gelinayso Gaadiidka Cirka ee ay ugu danbeeyeen diyaaradihii Qatar Airways iyo Ethiopian Airline ee isku dhici gaadhay sida ay xaqiijiyeen Pilot-kii diyaarada Qatar Airways iyo maamulka labada shirkadoodba, taas oo ku timi amar qaldan iyo xilkasnimo-darro laga soo bixiyey magaalada Muqdisho ay sababtay, taas oo ay Somaliland cambaaraynayso. 7. Golaha Wasiirradu waxa uu ugu baaqayaa beesha caalamka gaar ahaan Hay’adaha ay khusayso maamulka hawadu, sida ICAO iyo IATA, inay maamulka hawada si buuxda ugala xidhiidho Jamhuuriyadda Somaliland. 8. Golaha Wasiirradu wuxuu shacbiga Somaliland ku bogaadinayaa siday u ilaashadaan qarannimadooda iyo wada-jirkooda isla markaana uga feejigan yihiin waxkasta oo dibin daabyo ku ah qaranka Somaliland, waxa kale oo goluhu shacbiga ku bogaadinayaa tan iyo intii ka danbaysay Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia in ay xaqiiqawday himiladoodii ahayd inay ka mid noqdaan beesha caalamka. 9. Golaha wasiirradu wuxu si adag ugu digayaa cid kasta oo faafinaysa, isla markaana dhiirrigelinaysa dhagaraha iyo dabinnada cadawgu u maleegayo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee leh Af, addin iyo qoraalba. Ugu danbayntiina, Golaha Wasiirradu waxa ay dood iyo falanqayn dheer ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka Rahanka Hantida Maguurtada ah ee Bangiyadda Xeer Lr. Xx/2023 oo ay soo wada diyaariyeen Garyaqaanka guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dalka horena loogu qaybiyey, kaas oo ay golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

War-murtiyeed-29-02-2024 Fadhigii 125aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka maanta oo ay taariikhdu tahay 29/02/2024 ka qabsoomay qasriga madaxtooyada,

War-murtiyeed-29-02-2024  Fadhigii 125aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka maanta oo ay taariikhdu tahay 29/02/2024 ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu lafo-guray qodobbo la xidhiidha Amniga Mandaqadda. Tan iyo markii ay labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federal-ka Ethiopia, ay kala saxeexdeen 01.01.2024-ka heshiiskii is-afgarad, waxa ay dawladda Muqdisho qaadday dagaal qaawan oo ka dhan ah shacbiga reer Somaliland, kaddib markii ay kasoo quusteen beesha caalamka waxa ay miciinsadeen inay iskaashi la sameeyaan kooxaha xag-jirka ah, sida Radio-ga ay maamusho dawladda Muqdisho uu ka sheegay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo madax kale oo katirsan Soomaaliya. Tallaabooyinka kale ee cadowtinimada ah ee ay qaadday dawladda Muqdisho waxa ka mida inay celiyeen diyaarad nooca gargaarka caafimaadka ah oo dalka ka qaadaysay muwaadin xaalad caafimaad loogu qaadayey dalka dibeddiisa, taasoo marka loo eego sharciga caalamiga ah noqonaysa danbi ka dhan ah Binu-aadantinimada. Waxa kale oo ka mid ah in la beegsanayo muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan deegaamada ay maamusho dawladda Muqdisho, dadkaas oo ay ka mid yihiin kuwo la dilay, kuwo la xidh-xidhay lana jidh dilay iyo kuwo la haddiday.  Golaha Wasiirradu isagoo ka yeeshay arrimahaasi dood iyo falanqayn dheer waxa uu go’aamiyey  1. Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay qarannimadeeda la soo noqotay waxay ku naaloonaysay nabadgelyo, iyadoo xidhiidh fiican la lahayad dawladaha deriska ah, waxaanay ka qayb-qaadatay in gobolka geeska Afrika uu nabadgelyo ku naaloodo, sidaa aawadeed dawladaha jaarka ah waxay u soo jeedinaysaa inay Somaliland kala qayb-qaataan nabadgelyada iyo xasillooni kuwada noolaashanaha Geeska. 2. Golaha wasiirradu waxa usoo jeedinayaa Dawladda Soomaaliya inay ka waantowdo colaadaha ay abaabulayso ee Somaliland ka dhanka ah ee k u wajahan muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool dhulka ay maamusho, kuwaas oo ay ku waxyeelnayso magac dawladeed, in dadka Somaliland lagu waxyeelleeyaana hore ayey usoo martay oo xasuuq iyo dhibaato loogu geystay, sidaa awgeed, waxa ay Jamhuuriaydda Somaliland uga digaysaa in dawladda Soomaaliya ka waantowdo dadkaas ay waxyeelaynayso ee qaar la dilay, qaar la xidhxidhay, taasoo keeni karta cawaaqib xumo raagta. 3. Maaddaama oo ay beesha caalamku ay quudiso ama masruufto Dawladda Muqdisho amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba, waxa aanu ugu baaqaynaa inay indho dheeraada u yeeshaan muwaadiniinta reer Somaliland ee lagu beegsanayo muqdisho, 4. Xukuumadda Somaliland waxay dacwad ka dhan ah dawladda muqdisho u gudbisay hay’adaha garsoorka iyo xuquuqda binu aadannimo ku shaqada leh, waxaanay ugu baaqaysaa hay’addahaasi inay dilalka iyo jidh dilka baadhis caalamiya ku sameeyeen. 5. Jamhuuriyadda Somaliland maddaama ay maamusho baddeeda, barrigeeda iyo cirkeeda, waxay beesha caalamka u caddaynaysaa in heshiis kasta oo ay gasho dawladda Soomaaliya aanay khusayn Jamhuuriyadda Somaliland. 6. Xukuumadda Somaliland waxay cambaaraynaysaa amarrada ay Dawladda Muqdisho ku khal-khal gelinayso Gaadiidka Cirka ee ay ugu danbeeyeen diyaaradihii Qatar Airways iyo Ethiopian Airline ee isku dhici gaadhay sida ay xaqiijiyeen Pilot-kii diyaarada Qatar Airways iyo maamulka labada shirkadoodba, taas oo ku timi amar qaldan iyo xilkasnimo-darro laga soo bixiyey magaalada Muqdisho ay sababtay, taas oo ay Somaliland cambaaraynayso. 7. Golaha Wasiirradu waxa uu ugu baaqayaa beesha caalamka gaar ahaan Hay’adaha ay khusayso maamulka hawadu, sida ICAO iyo IATA, inay maamulka hawada si buuxda ugala xidhiidho Jamhuuriyadda Somaliland. 8. Golaha Wasiirradu wuxuu shacbiga Somaliland ku bogaadinayaa siday u ilaashadaan qarannimadooda iyo wada-jirkooda isla markaana uga feejigan yihiin waxkasta oo dibin daabyo ku ah qaranka Somaliland, waxa kale oo goluhu shacbiga ku bogaadinayaa tan iyo intii ka danbaysay Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia in ay xaqiiqawday himiladoodii ahayd inay ka mid noqdaan beesha caalamka. 9. Golaha wasiirradu wuxu si adag ugu digayaa cid kasta oo faafinaysa, isla markaana dhiirrigelinaysa dhagaraha iyo dabinnada cadawgu u maleegayo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee leh Af, addin iyo qoraalba. Ugu danbayntiina, Golaha Wasiirradu waxa ay dood iyo falanqayn dheer ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka Rahanka Hantida Maguurtada ah ee Bangiyadda Xeer Lr. Xx/2023 oo ay soo wada diyaariyeen Garyaqaanka guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dalka horena loogu qaybiyey, kaas oo ay golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen;

©2024. All Rights Reserved.