Author Archives: admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka shacabka kala qaybgalay Xus Ballaadhan oo loo sameeyey Munaasibadda Qaran ee 18-Ka May
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka shacabka kala qaybgalay Xus Ballaadhan oo loo sameeyey Munaasibadda Qaran ee 18-Ka May.
Hargeysa-18-05-2022-()Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka caasimadda Hargeysa kala qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey 31-guurada kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si heer qaran ah dalka loogu soo dhaweeye
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee safarka shaqo ugu maqnaa waddanka maraykanka, ayaa maanta soo dhaweyn heer qaran loogu sameeyey. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo maanta kasoo degay madaarka Cigaal International Airport, ayaa waxa halkaas kaga hortegay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) xubno kamid ah shir-guddoonka golaha wakiillada, qaar kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyayaasha kala duwan ee ciidamada iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, waxana uu madaxweynuhu qaddar nasasho ah ku qaatay garoonka VIP-da ee madaarka.
Congress-ka Maraykanka oo la hor geeyay Mooshin ku saabsan Aqoonsiga Somaliland
Mudane ka tirsan Xilbaanada Aqalka Congress-ka ee Maraykanka, ayaa la horgeeyey hindise-sharciyeed ee “H.R. 7170: Republic of Somaliland Independence Act” ku baaqay in dowladda Maraykanku si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.
Hindisahan oo ay soo gudbiyeen Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada ee Maraykanka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddigaas oo lagu magaaabo Scott Perry kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa ugu baaqaya dowladda Maraykanka inay Aqoonsi-buuxda siiso Somaliland.
Guddi hoosaadka dibadda ee aqalka Hoose ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa 18-kii bishan soo gudbiyey hindise-sharciyeedkan oo summaddiisu tahay H.R.7170, kaas oo la filayo in la hor geeyo kal-fadhiga Aqalka Congress-ka Maraykanka. Qoraalka hindise-sharciyeedkan waxaad kale deggi kartaa halkan:BILLS-117hr7170ih
Mudaneyaal ka tirsan Congress ka Maraykanka oo Madaxweyne Biden ku booriyay xidhiidh lala yeesho JSL
Mudaneyaal ka tirsan Congress ka Maraykanka oo Madaxweyne Biden ku booriyay xidhiidh lala yeesho JSL
Madaxweynaha JSL oo khudbad ka jeediyey Mac’hadka Washington Institute for near East Policy
Link
Khudbad :Madaxweynaha JSL oo khudbad ka jeediyey Mac’hadka Washington Institute for near East Policy
Khudbadii Madaxweynaha JSL ka jeediyay George Washington University
Khudbadii Madaxweynaha JSL ka jeediyay George Washington University
Faallada Warka Gobonimo waa Wada Tashi Gunimana waa gacan Hoorsasho
Faallada Warka Gobonimo waa Wada Tashi Gunimana waa gacan Hoorsasho
Khudbada Madaxweynaha JSL
Khudmadda Madaxweynaha JSL