Mudane ka tirsan Xilbaanada Aqalka Congress-ka ee Maraykanka, ayaa la horgeeyey hindise-sharciyeed ee “H.R. 7170: Republic of Somaliland Independence Act” ku baaqay in dowladda Maraykanku si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.
Hindisahan oo ay soo gudbiyeen Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada ee Maraykanka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddigaas oo lagu magaaabo Scott Perry kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa ugu baaqaya dowladda Maraykanka inay Aqoonsi-buuxda siiso Somaliland.
Guddi hoosaadka dibadda ee aqalka Hoose ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa 18-kii bishan soo gudbiyey hindise-sharciyeedkan oo summaddiisu tahay H.R.7170, kaas oo la filayo in la hor geeyo kal-fadhiga Aqalka Congress-ka Maraykanka. Qoraalka hindise-sharciyeedkan waxaad kale deggi kartaa halkan:BILLS-117hr7170ih